Barnaamij Taxane ah

Idaacada Barashada Kitaabka quduuska ah waxay soo daayaan Barnaamijka Barashada Kitaabka Quduuska 30 daqiiqadood oo dhagaystaha u suura galinaysa inuu barto Kitaabka Quduuska oo dhan muddo 5 sano ah.Waxay ku barayaan bilow ilaa dhamaad Axdigii hore iyo Axdiga Cusub.Barnaamijkan Barashada Kitaabka Quduuska waxa laga soo baahinjiray idaacado ku yaalla dalka Maraykanka ilaa sannadii 1967kii,oo imikana waxa laga baahiya in ka badan 200 oo dal oo ku kala yaal adduunka.

Jidka Caddaaladdu waa 99 barnaamijyo idaacadeed oo taxane ah ku saabsan dabeecadda Ilaah-- awooddiisa, xigmaddiisa, caddaaladdiisa, naxariistiisa iyo jacaylkiisa. Qisooyinkani haddaba, waxay ku bilaabmayaan bilawgii abuurka dunida ilaa laga soo gaadhayo abuurkii Aadan iyo Xaawa iyo sidii ay denbiga ugu dhaceen. Markii haddaba, Ilaah uu iyaga kasoo saaray beer Ceeden, wuxuu Aadan iyo Xaawa u ballanqaaday Badbaadiye. Kaddib, Ilaah wuxuu axdi la dhigtay Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub. Haddana Ilaah wuxuu ugu yeedhay Muuse inuu reer banii-Israa’iil kasoo badbaadiyo addoonsigii Masar, kaddibna wuxuu u muujiyay oo siiyay sharciga. Markii reer banii-Israa’iil ay yimaadeen dhulkii Ilaah u ballanqaaday, waxay noqdeen kuwo Ilaah caasiyay. Ilaahna wuxuu doortay Daa’uud iyo farcankiisa si uu iyaga boqor ugu noqdo. Haddaba, Ilaah wuxuu iyaga u diray nebiyo badan kuwaasi oo iyaga ku waaninayay inay joojiyaan caabuditaanka sanamyada. Laakiinse markii reer banii-Israa’iil ay sii wadeen kasoo horjeedshada Ilaah, wuxuu iyaga Ilaah ku ciqaabay musaafiris. Haddaba, Ilaah naxariistiisa aawadeed wuxuu dadkiisa ku soo celiyey dhulkoodii. Ugu dambayntiina, Ciise Masiix ayaa wuxuu yimid dunidan isagoo dhammaystiraya axdigii Ilaah la dhigtay nebiyadiisa qarniyo hore.

Erayada noloshu waa taxane sida sheekooyin gaagaaban oo ah kitaabka quduuska, farriimaha masiixa iyo heeso. Waxay sharax ka bixiyaan badbaadada iyo barashada aasaaska masiixiyada.